Ujeeddooyinka cilmi-baaris waa himilooyinka aad u dajisay daraasadda, aana rabto inaad gaarto intaad ku gudo jirto daraasadda. Ujeedada cilmi-baarista waxay wargilsaa akhristaha waxa aad rabid inaad baarto iyo intaad qorsheenaysid inaad mowduuca u gudo gasho. Ujeedada cimi-baarista waxay u sheegtaa akhristaha baaxadda iyo heerka daraasadda. Qodobka ugu muhiimsan in la tixgeliyo markii la sameenayo ujeedada cilmi-baarista waa bayaan ahaansho.
Calaamadaha looga bahan yahay ujeeddooyinka cilmi-baarista:
Waadixin
bayaan ahaansho waa waxa ugu weyn ee xoogga lagu saaro ujeedooyinka cilmi-baarista. Sida aad u qorto ujeedada cilmi-baarista waxay wax badan ka sheegtaa daraasaddaada.
Dhammaystiran
jumlo kasto oo gaaban kuna jirta ujeedada cilmi-baarista waa inuu akhristaha dareemaa inay tahay weedh dhammeystiran.
Si cad loo qeexay
Ujeedada cilmi-baarista waa inay si toos ah u qeexdaa waxa, sida, goorta iyo meesha daraasadda laga sameenayo.
Tusmayn waxyaalaha ugu muhiimsan ee daraasadda
Noocyada ujeeddooyinka cilmi-baarista
Waxaa jira laba nooc oo ujeedada cilmi-baarista oo ay daraasadkasta leedahay; ujeedada koowaad ugana weyn iyo ujeedada labaad ee cilmi-baarista. Ujeedada ugu weyn ama ujeedada koowaad waxay kugu hagaysaa cilmi-baarista aad rabtid inaad fuliso. Ujeedada labaad waa hadaf mar walba daba socda ujeedada weyn ee cilmi-baarista.